-

Beerkaaga, caafimaadkaaga

Muxuu beerkaagu muhiim u yahay

Ku dhawaad wax kasta oo aad cunto aadna cabto ayaa mara beerkaaga. Kiimikooyin kasta oo taabta maqaarkaaga iyo sunta aad neefsato ayaa sii mara beerkaaga.
Beerkaaga ayaa qabta shaqooyin badan oo muhiim ah si uu uga shaqaysiiyo jirkaaga sida ugu fiican. Waxaa kamid ah shaqooyinkaan muhiimka ah inuu jirka ka saaro sunta uuna nafaqooyinka kasoo saaro cuntooyinka una badalo tamar. Hase yeeshee, wadne waxyeeloobay uma qaban karo shaqooyinkaan si sax ah, marka waa muhiim inaad dhawrto caafimaadka beerkaaga.

Xaqiiqooyinka beerka

  • waa xubinta ugu wayn uur ku jirta
  • wuxuu ku yaalaa dhanka midig ee saabka jirkaaga,
    dhabarka danbe ee feerahaaga
  • iskiis ayuu isku dayac tiri karaa wuxuuna abuuri karaa unug cusub ee beerka oo caafimaad qaba
  • unugyada beerka ayaa burburiya baruurta kana sameeya tamar
  • 1.5 liitar oo dhiig ah ayaa mara
    beerkaaga daqiiqad kasta

Cudurka beerka ayaa ku dhici kara qof kasta

Waxaa jira cuduro badan oo kuwa beerka ah oo saameeya labadaba dadka waawayn, iyo carruurta. Dadka khatarta ugu jira cudurka beerka waxaa kamid ah dadka:

  • leh miisaanka xad dhaafka ah ama aadka u cayilan beerkana ay baruurtu ka fuushay
  • caba khamrada xad dhaafka ah
  • qaba caabuq fayras xun oon laga baarin ama laga daawayn sid cagaarshoowga B am Cagaarshoowga C
  • dhibaatada ku qaba nidaamkooda difaaca taasoo keenaysa cudurka beerka
  • ku dhashay cudurka beerka.

Waa maxay cagaarshoowgu?

Cagaarshoow waxaa laga wadaa hulaaqa beerka. Beer hulaaqay ayaa mararka qaar balaaran kara ama babari kara. Waxyaabaha sababa hulaaqa beerka waxaa kamid noqon cagaarshoowga fayraska ah sida cagaarshoow B iyo cagaarshoowga C, khamrada, daawooyinka, ama baruurta. Mararka qaar waxay noqon karaan isku darka waxyaabahaan.

Iska eegista astaamaha cudurka

Wadna waxyeelo gaartay ayaa sii wadi kara inuu shaqeeyo muddo dheer asagoon muujin wax astaamo ah ama calaamado ah. Dhabtii, astaamaha cudurka beerka qaarkood ayaa jiri kara ayadoon la ogaan sababtoo ah waxay u egyihiin unugyada caadiga ah. Falka ugu amaansan waa inaad la hadasho Dhakhtarkaaga Guud ee Maxaliga ah, Khabiir Caafimaad, Dhakhtar Kalkaalin (NP) ama Kalkaalisada Beerka haddii aad walaac ka qabto wax kamid ah astaamaha soo socda:

  • dareemida jiro ama daal markasta
  • ciriiri ama xanuun kaa haya wadnaha ama aaga caloosha hoose oo dhan
  • cuncunka jirka oo dhan ah, gaar ahaana habaynkii
  • bararka anqawyada
  • juudaan (maqaar iyo indho jaale ah)
  • madoobaadka kaadida ee aan caadiga ahayn ama joogtada ah
  • Hir fuula maskaxda ama dareenka cakirnaan.

Hubi beerkaaga

Hadba intaad boobsiiso daawaynta xanuunka beerka, ayay badanaysaa
fursada aad kor ugu qaadayso caafimaadkaaga. Ka codso dhakhtarkaaga guud (GP) inuu baaro beerkaaga markaad walaac qabto.

Waa maxay baaritaanka beerku?

Baaritaanka beerka ayaa badanaa lagu sameeyaa baaritaannada dhiiga oo cabiraaya heerka shaqada beerkaaga. Natiijooyinka ayaa ka caawinaaya GP gaaga inuu doorto baaritaannada kale ee uu samaynaayo. Baaritaannadaan waxaa kamid ah:

Altarasoonka Caloosha/Beerka

  • Wuxuu xog naga siiyaa beerka wuxuuna naga caawiyaa inaan ogaano in beerku caadi yahay, ama in baaritaanno dheeraad ah loo baahan yahay in la sameeyo.
  • Qiimaha altarasoonka Caloosha/Beerka waxaa daboola Medicare Benefits Scheme (MBS, Mashruuca Gunnooyinka Medicare). Waxaa laguu celin doonaa qarashka buuxa ee baaritaanka haddii aad haysato kaarka Medicare.

FibroScan

  • Waa Altarasoon gaar ah oo qiyaasta waxyeelada ku yaala beerkaaga.
  • FibroScan ayaa laga heli karaa si bilaash ah xarumaha Caafimaadka Beerka ee Bukaan socodka ee dadwaynaha. Xarumaha caafimaadka gaarka loo leeyahay ayaa qarash kaaga qaadaaya FibroScan MANA jirto LACAG celin aad ka helayso Medicare.

Joogtee tilmaamaha ilaalinta badqabka

Maaree daawooyinkaaga

Keliya qaado daawooyinka uu ku siiyo dhakhtarkaaga GP ga ee maxaliga ah, Khamiirka Caafimaadka, Kalkaalisada Dhakhtarka ah ama Dhakhtarka Dhimirka. Ha cunin wax ka badan kuurada laguu qoray. Iska ilaali inaad ku qasto daawada khamri iyo/ama waxyaabo maanka dooriya. Daawooyinka qaar ee kuurada badan ayaa noqon kara kuwo sun ku noqda beerkaaga (sida barastamoolka).

Yaree ama iska jooji adeegsiga Khamriga


Hadba intaad yarayso khamriga, ayay yaraanaysaa khatartaada la xariirta waxyeelo kaaga timaada khamriga.

Iska ilaali dhuuqista Tubaakada ama marijuana ama daroogooyinka kale


Sunta iyo kiimikada ku jirta sigaarka ayaa beerkaaga waxyeelayn karta. Xashiishka badan ayaa abuuri kara nabaro ka samaysma beerka. Waxaa jirta khatarta abuurista kansarka haddii aad adeegsato tubaako ama xashiish.


Adeegsiga cirb ad durista amaanka ah

Adeegso qalabkaaga gaar ah ee durista, oo nadiif ah. Haddii ay macquul tahay, gal qolka cirbad durista ee la kormeero. Marna cid kale hala wadaagin cirbada la isku duro.


Iska ilaali taatuuga iyo sharaxaada jirka

Dooro goob raacaysa tilmaamaha Kahortaga Caabuqa, adeegso cirbadaha halka mar la isticmaalo iyo khad sifaysan.

Samee galmo amaan ah

Adeegso cinjirada galmada markaad samaynayso galmada xubinta taranka haweenka, afka, iyo dabada. Tani waxay kaa difaacaysaa inaad caabuqa ku qaado dheecaannada galmada ama dhiig.

Joogtee Nadaafada Gaarka ah

Waxyaabaha yeelan kara uuna ku hari karo dhiiga sida (cadayga, sakiinta), waa inaan lagula wadaagin. Ku rid waxyaabaha dhiigu ka muuqdo bac afka ka xiran oo ku rid qasaca qashinka.

Qorshayaasha safarka

U safrida wadamada qaar ayaa ku gelinaysa khatar dheeraad ah oo cagaarshoowga A ah. Kala hadal GP gaaga talaallada, oo adeegso biaha sifaysan ama biyo la karkarshay markaad safrayso.

Khamriga ayaa culays ku abuuraysa beerkaaga

Si aad u yarayso khatarta ka timaada cudurka ama dhaawaca la xariira khamriga, ragga iyo dumarka caafimaadka ah waa inaysan cabin wax ka badan 10 cabitaan asbuucii aysana ka badsan 4 cabitaan halkii maalin. Halka cabitaan ee caadiga ah ayaa ka kooban 285mls oo khamri awood buuxda leh (4.9% alc/vol). Hadba intaad yarayso khamriga, ayay yaraanaysaa khatarta la xariirta khamriga.(NHMRC ، 2020).

Heerarka cudurka wadnaha

Waxaa jira noocyo badan oo cudurka wadnaha ah oo sababi kara waxyeelo sii kordhaysa oo ku dhacda unugyada beerkaaga. Marka cudurka beerka xili hore la baaro, xili hore ayaa la daawayn karaa. Cudurka beerka ee aan la daawayn ayaa keeni kara hoos u dhaca shaqada beerka ama fashilka beerka. Kobaca cudurka beerka ayaa kala duwan ayadoo ku xiran waxa sababay. Hulaaqa beerka ayaa keeni kara abuuranka unugyo nabaro leh (fibrosis). Hulaaqa joogtada ah ayaa keeni kara nabaro xun oo ku dhaca beerka (cirrhosis). Jiritaanka cirrhosis ayaa kordhinaysa khatarta qaadista kansarka beerka waxayna keeni kartaa fashilka beerka.

Hulaaqa

Waxaa keeni kara caabuqa fayraska, khamriga, dhibaatooyin ka jira nidaamkaaga difaaca jirka, sun, baruur, ama iskudarkooda. Bixinta ama daawaynta waxa sababaaya ayaa caadiyan keenta in hulaaqu joogsado.

Fibrosis

Nabar ku samaysma beerka. Unugyada beerka ee nabar fudud ku yaalo ayaa soo kabta oo bogsooda.

Cirrhosis

Xanuunka cirrhosis ee beerka waa xanuun beerka ku dhaca kaasoo unugyada beerku si abadiyan ah uu u badalo unug dhaawac ah. Beerka cirrhosis waa mid adag, dhuuban, badanaana xajmigiisa ayaa yaraada. Shaqada beerka ayaa badanaa aad u dhaawacanta. Daawada ayaa kahortagi karta in beerku kasii daro, difaacaysa unugyo kasta oo beerka ah oo haray soona celinaysa shaqada beerka qaar. Shaqada beerka ayaa hadba heer noqota markuu jiro cirrhosis.

Kansarka beerka

Cirrhosis ka beerka ayaa kordhiya khatartaada qaadista kansarka beerka. Kansarka beerka waxaa loo daaweyn karaa si guul leh haddii xili hore la ogaado. Haddii aan la daawayn, kansarka beerka ayaa keeni kara shaqo gabka beerka.

Shaqo gabka beerka

Fashilka beerka ayaa yimaada marka beerku shaqada joojiyo. Kani waa xanuun loo dhinto wuxuuna u baahan yahay daryeel caafimaad oo degdeg ah. Dadka qaar ayaa u baahan kara in beer qof kale la gasho.

Ka hadalka walaacyadaada

Haddii aad qabto wax walaacyo ah oo la xariira beerka, fadlan la hadal GP ga deegaankaaga ama Dhakhtarka Kalkaalinta (NP). Dhakhtarkaaga ayaa amri kara baaritaanno si loo baaro shaqada beerkaaga. Waxaa laguu qori karaa daawooyin ayadoo lagu salaynaayo baaritaannadaada. Inta badan daawooyinka waxaa daboola Pharmaceutical Benefits Scheme (PBS, Mashruuca Gunnooyinka Daawada). Inta badan baaritaannada raajada sida altarasoonka waxaa daboola Medicare Benefits Scheme (MBS). GP gaaga ama NP ga ayaa sidoo kale kuu gudbin kara khabiirka Beerka.

Iskuday inaad la hadasho saaxiibadaa iyo qoyska si aad u hesho taageerada farsamo iyo midda dareenka. Waxaad sidoo kale la hadli kartaa adeeg bixiyaasha kale ee caafimaadka – ayna ku jiraan kalkaalisooyinka,
La taliyaasha, baxnaaniyaasha, farmashiileeyda, ama dhakhtarada cuntada.

Taageerada ayaa samaysa farqi wayn

Waxaad dareemi kartaa go’dooon, daawada ayaana kaa dhigi karta mid daalan oo nugul marka taageero dareen ayaa muhiim ah.
– Grenville, 56 sano jir ah

HShaqaalaha caafimaadka ayaa isbadal abuura

Waa qayb kamid ah fikirka. Haddii aan qabo xanuun, waxaan doonayaa inaan baxo oo la i dhagaysto lana i fahmo
– James, 56 sano jir

Ilaalinta caafimaadka beerkaaga

Ablikeeshinka LiverWELL ayaa ah ablikeeshin guurguura oo ay fududahay in la isticmaalo kaasoo kaa caawinaaya maaraynta caafimaadka beerkaaga. Wuxuu leeyahay qaybo badan iyo tilmaamo si uu kaaga caawiyo ilaalinta caafimaadka beerkaaga ayna ku jiraan:

  • Inuu kuu dajiyo xasuusinnada daawada
  • Qabashada balamaha
  • Qorista iyo la socoshada natiijooyinka baaritaanka
  • Qorista qodobada muhiimka ah

Waxaad heli kartaa xogtii ugu danbaysay ee la xariirta caafimaadka beerka oo ka helayso ablikeeshinka LiverWELL sida cunto caafimaad leh, jimicsi samaynta, bogsashada iyo inaad ka warqabto waxaad cabayso.

Helitaanka taageero

www.cancervic.org.au
www.quit.org.au
www.betterhealth.vic.gov.au

Iimeel nooguso dir ciwaanka info@hepvic.org.au
Wac laynka LiverLine: 1800 703 003

Xogtaan waa mid guud caadiyan loogumana talagalin inay noqoto talo caafimaad. La tasho dhakhtar haddii aad dooneyso xog dheeraad ah.

LiverWELL acknowledges the support of the Victorian Government.
We welcome people from all cultures, nationalities and religions. Being inclusive and providing equitable services is our commitment.

ABN 48 656 812 701

We acknowledge the traditional owners of the lands where we work - the lands of the Woi-Wurrung Wurundjeri people of the Kulin Nations. We express our gratitude to them for their continued care and curation of these lands and waters. We pay our respects to Elders past and present.

LiverWELL observes and honours the Kulin Nation's intrinsic connection to land, sky and water, and the creator Bunjil. LiverWELL is committed to being led and informed by Aboriginal and Torres Strait Islanders on bridging health outcomes for communities and improving liver health.